2 Dumar o Shabaabnimo lagu eedeeyay oo maanta lagu xukumay Magaalada Muqdisho


 2 Dumar o Shabaabnimo lagu eedeeyay oo maanta lagu xukumay Magaalada Muqdisho 2 Dumar o Shabaabnimo lagu eedeeyay oo maanta lagu xukumay Magaalada Muqdisho 2 Dumar o Shabaabnimo lagu eedeeyay oo maanta lagu xukumay Magaalada Muqdisho
Channel: QAANSO ROOBAAD CHANNEL
Duration: 4m 1s
Published At: 2016-07-13 08:36:02

Description : Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa waxay maanta Magaalada Muqdisho ku xukuntay afar qof oo laba ka midda ay dumar yihiin, ka dib markii lagu helay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab. Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa 3-dii bishan u fariisatay dacwad ciqaabeedkii loo haystay saddex ka mid ihi dadkan, kuwa oo kala ah C/shakuur Guure Siyaad Calasow (40 jir ah), Maryan Maxamed Siyaad Baraale oo loo yaqaan Batuulo (40 jir ah) iyo Falis Macow Sabriye Cali (50 jir ah), ka dib markii Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida uu ku soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay u qaabilsanaayen haynta hubka iyo u kala gudbinta hubka ee dagaal-yahanada Al Shabaab. Maxkamadda, ayaa waxay qiraal ka dib ay xaqiiqsatay in Falis Macow Sabriye Cali ay ahayd xiriiriyaha Shabaab iyo labada kale ee lala soo eedeeyay, waxayna Maxkamaddu Falis ku xukuntay shan sano oo xabsi ciidan ah. Maxkamadda, ayaa sidoo kale waxay min sideed sano oo xabsi ciidan ah ku kala xukuntay C/shakuur Guure Siyaad Calasow iyo Maryan Maxamed Siyaad Baraale. Sidoo kale waxay Maxkamaddu 15 sano oo xabsi ciidan ah ku riday Maxamed Cabdi Xasan Cali (20 jir ah), markii Xafiiska Xeer Ilaaliyuhu uu ku soo eedeeyay in uu ka tirsan yahay Ururka Al Shabaab, gaar ahaan qaybta shirqoolada, laguna soo qabtay isagoo bistoolad ku hubeysan, uuna maleygaayay dhagar ka dhan ah muwaadiniin Soomaaliyeed. Xukunada lagu riday dadkan, ayaa waxaa ku dhawaaqay Kaaliyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida, G/dhexe Xasan C/raxmaan Aadan, iyadoona uu sheegay ciddii aan xukunadaasi ku qanacsanayn in ay rafcaan ka qaadan karto.

Related Videos

  1. DAAWO Sheeko Markaad Daawatid ka ilmeysiin Doonta oo Muqdisho ka dhacday
  2. DEG DEG:DHACDO MURUGO LEH OO KU SAABSAN QOYS WIILKOODA AY DILEEN CIIDAMADDA AMISOM.
  3. Dhacdo xanuun badan oo kooxda shabaab ay u geesteen Qoys soomaaliyeed
  4. WARKA XUKUN DIL AH OO LAGU FULIYAY AFAR DHAGAR-QABAYAAL AH 24 07 2014
  5. Dhacdo yaab Badan Nin Dhalay 6 Caruur Ah Oo Baahi Darteed Ilmihiisa U qalaaya Bakeyle  Muqdisho